Khasaaro ka dhashay Qarax Ciidanka DF lagula eegtay magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas Qarax Miino lagula eegtay gaari ay la socdeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxa oo khasaaro geystay ayaa lala eegtay gaari Cabdile ah xilli uu marayay agagaarka Jaamacadda Shabeelle ee deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen laba askari oo saarnaa gaariga halka tiro kale ay ku dhaawacmeen,sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ahaa xilliga qaraxa uu dhacayay.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa furay rasaas farabadan taas oo aan geysan wax khasaaro ah,waxaana mudo saacado ah hakad galay isku-socodka dadka iyo gaadiidka ee deegaanka weeydoow duleedka Magaalada Muqdisho.

Inta badan Gaadiidka ay wataan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay ku safrayaan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa lala eegtaa qaraxyada wadada dhinaceeda lagu aaso,waxaana inta badan ku waxyeelooba Shacabka wadada maraya.