DEG DEG: Qarax Xooggan oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheeghaya in goordhow laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Xarunta Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Sida wararka ay sheegayaan Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, iyadoona uu ku Qarxay agagaarka Xarunta degmada Warta-nabada.

Qiir iyo uuro ayaa cirka isku shareertay qaraxa kadib,taasi oo laga arkayay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ka dhacay Magaalada Muqdisho.