FIIRSO: Amniga Muqdisho oo la adkeeyay & Duqa Muqdisho oo shaaciyay in Qaraxyada Al-Shabaab laga adkaaday

0

Ammaanka Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay maalintii saddexaad ee bisha Barakeysan ee Ramadaan,waxaana isgoyska waa weyn ee magaalada lagu arkayaa Ciidamo Boolis oo aad u hubeysan.

Ciidanka ayaa feejignaan gaar ah ka galay Baraha Kontarol ee laga soo galo magaalada gaar ahaan Halka loo yaqaano Siinka dheer oo Fariisin ay ku leeyihiin Ciidanka amniga Muqdisho,kuwaas oo dadka iyo gaadiidka soo galaya magaalada Muqdisho si aad ah ugu baara.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow ayaa horay u sheegay iney yaraadeen Qaraxyada Al-Shabaab ay geystaan magaalada Muqdisho,islamarkaan qorshe cusub ay u dejiyeen sugida amniga caasimadda inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

You might also like More from author

Leave A Reply