DEG DEG+FIIRSO: Kulan dhexmaray MD Farmaajo & Xaaf oo fashil ku soo dhammaaday & Qodobo la isku fahmi waayay

0

Kulan Saacado badan qaatay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa kusoo dhamaaday Fashil ka dib markii labada

dhinac ay heshiis gaari waayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo jeediyay sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ku dhow Madaxweyne Xaaf in Muddo kordhin hal sano ah loo sameeyo maamulka Galmudug oo baarlamaanka Galmudug uu ku shaqeeyo Cadaado uuna hoggaaminaayo Cali Gacal Casir.

Madaxweyne Xaaf ayaa ku gacanseyray dhammaan dalabaadka Madaxweyne Farmaajo , waxaana uu ku adkeystay in Galmudug leedahay Dastuur iyo baarlamaan uu fadhigoodu yahay Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana wixii muddo kordhin ah ay u taallo baarlamaanka.

You might also like More from author

Leave A Reply