SAWIRRO: Madaxweyne Waare oo arrimo Xasaasi ah kala hadlay Wakiil ka socda Urur Goboleedka IGAD

0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay la taliye sare dhinaca Siyaasada Wakiilka IGAD  ee Soomaaliya, badda cas iyo badweynta Hindiya Mudane Cabdikariim Maxamed Daahiye oo soo

gaaray xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Jowhar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan.

Madaxweynaha iyo la taliyaha ayaa ka wada hadlay siyaasadda Guud ee dalka iyo xoojinta xasiloonida Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana Mr. Daahiye uu ka hadlay doorka IGAD ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ka hadlay xaalada abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle iyo sidii loo caawin lahaa dadka saameynta ay ku yeelato abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta, waxaana dhinaca kale uu dul istaagay muhiimada ay u leedahay Hirshabelle in lagala shaqeeyo arrimaha amniga, islamarkaana la xoojiyo doorka Ciidamada AMISOM ee xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.

La Taliye Sare Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Cabdikariim Maxamed Daahiye ayaa sheegay in IGAD mar walbo ay diyaar u tahay in Hirshabelle ay kala shaqeeyso Horumarinta, iyo dhisida hey’adaha Dowladda, iyo sidoo kale arrimaha bini’aadanimada sidii looga gacan siin lahaa.

Img 20190421 Wa0049
Img 20190421 Wa0049
Img 20190421 Wa0051
Img 20190421 Wa0051
Img 20190421 Wa0055
Img 20190421 Wa0055
Img 20190421 Wa0058
Img 20190421 Wa0058
Img 20190421 Wa0059
Img 20190421 Wa0059

You might also like More from author

Leave A Reply