SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha Aqoonsiga ka gudoomey Safiiro Cusub

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha cusub ee Boqortooyada Baxrayn iyo Dowladda Burundi ay usoo magacaabeen Soomaaliya.

Labadaan safiir ayaa waxaa lagu kala magacaabaa  Mudane Juma Axmed Al Kaabi iyo Mudane Remy Barampama,waxaana Madaxweynaha oo xafiiskiisa kula qaatay kulan gaar ah oo ay uga hadleen arrimo dhowr ah.

Dowladda Burundi ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga Ciidamo farabadan kuwaas oo ku howlgalla Magaca AMISOM,halka dowladda Baxreyn oo ka mid ah Dowladaha Carbeed oo hadda xiriirkooda uu dib u bilaawday tan iyo burburkii dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply