SAWIRRO: Faah faahino dheeraad ah oo laga helayo Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax gaari oo goordhow ka dhacay isgoyska dabka ee Gobolka Banaadir,kaas oo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa gaari kaas oo ku qarxay Goob la dhigay oo ah Maqaayada Barwaaqo oo ku taalla kasoo horjeedka Saldhiga degmada Waaberi,waxaana jira khasaaro kala duwan oo qaraxaasi ka dhashay.

Gawaarida gurmadka deg dega ee Ambulance ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo u gurmanaya dadka ku waxyeeloobay qaraxaas,waxaana uu yahay qarixii labaad ee Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply