SAWIRRO: Guddoomiye Yariisow oo sii kordhiyay cunaqabateynta Shacabka Muqdisho,gaadiidna u diyaariyay

0

Maamulka G/Banaadir ayaa Maanta Shacabka Magalada Muqdisho waxa uu u keenay Gawaarida gurmadka deg dega ee  Ambulance, kuwaas oo gaaraya ilaa 4 gaadiid ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir  ahna Duqa Mugadishu Cabdiraxmaan cumar Cismaan(Yariisow)  ayaa ka warbixyey gaadiidka  Ambulance-yada ay u keeneen Shacabka ku nool Caasimadda,waxaana gaadiidkaas ku deeqay Ururka Jaamacadda Carabta.

“Waxaan shacabka kunool Caasimadda aan u keenay 4 gaadiidka Gurmadka degdega ah ee Ambulance si shacabka kunool Caasimadda loogu adeego,Waxaa naga go’an garab istaaga Shacabka si Caasimada Muqdisho ay u hormarto ayuu yiri duqa Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa ka go’an kashaqeynta Horumarka Nabada amniga iyo xasiloonida isdhaxgal bulshada qabaheyda kala duwan ayuu hadalkiisa sii raaciyey duqa Muqdisho.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa xilligaan ka howlgalla Gawaarida gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance, kuwaas oo u gurmada Shacabka ku waxyeelooba qaraxyada ka dhaca Magalada Muqdisho.

1 54
1 54
2 53
2 53
5 31
5 31
6 22
6 22
7 15
7 15
8 11
8 11
9 7
9 7

You might also like More from author

Leave A Reply