FIIRSO: Salaad Cali Jeelle oo ka digay banaanbax ay Muqdisho ka abaabulayaan Mucaaradka Dowladda

0

Lataliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeele xalay Warbaahinta kula hadlay muqdisho  ayaa waxa uu sheegay in uu jiro banaanbax xooggan oo looga soo horjeedo dowladda,

kaas oo la qorsheynayo in Muqdisho maalmaha soo socdo uu ka dhaco .

Waxa uu sheegay in banaanbaxa ay qaban qaabinayaan Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowladda kasoo horjeeda ayna u adeegsanayaan dadka barakacayaasha ah ee kunool Magaalada Muqdisho,isaga oo sheegay in lagu bixinaayo qarashaad farabadan .

Waxa uu tilmaamay in Siyaasiyiinta qaban qaabinaayo banaanbaxa uu qeyb ka yahay  Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Sanoter Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake kaas oo uu sheegay in lacago uu kasoo qaatay dowladda Imaaraadka Carabta uuna ku doonayo in dowladda iyo Shacabka uu iska horkeeno.

Si kastaba weli dhankooda wax war ah kama soo bixin siyaasiyinta mucaaradka ah ee Siyaasi Salaad Cali jeelle uu ku eedeeyey inay abaabulayaan banaanbax ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply