XOG: Ciidamo & Gaadiid dagaal oo la dhigay Isgoysyada Muqdisho & Qatar amni oo la dareemay

0

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay,iyadoo ciidamo aad u fara badan la soo dhigay isgoyska ugu waa weyn ee magaalada.

Ciidamo Boolis oo aad u hubeysan ayaa lagu arkayaa maanta isgosyada Soobe,Baar-ubax,Numbar 4,Jubba,Ceel-gaabta iyo waliba isgoyska Tarabuunka,waxayna yihiin askarta kuwo feejigan.

Sidoo kale,baraha ay ku sugan Ciidamada Booliska waxaa wehliya gaadiid dagaal Nuuca Soomaalida u taqaano cabdi-billaha,kuwaasi oo qoriga dhashakiiha uu ku xiran yahay.

Ciidamadan ayaa u muuqda kuwo u diyaarsan weerar kasta iyo cid kasta uu kaga yimaado,waxaana marar badan magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Booliska iyo Militariga Dowladda Soomaaliya.

Lama waxa soo kordhay,balse arrintaan ayaa qeyb ka ah qorshaha Dolwadda Federaalka ay ku dooneyso iney ku adkeyso ammaanka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kormeeray xarunta Taliska Ciidanka Booliska,isagoona kulmay saraakiisha ugu sareeysa Ciidamada Booliska.

You might also like More from author

Leave A Reply