Madaxtooyada Soomaaliya oo gabi ahaanba ku fashilantay xalinta Khilaafka Madaxda Galmudug

0

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ka hadlay waxa keenay khilaafka hogaganka sare ee Dowlad goboleedka Galmudug kaas oo curyaamiyey Shaqooyinkii Mamulkaas.

Isaga oo Warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in xilligaan aysan jirin khilaaf xoogan oo sigaar ah isaga kala dhaxeeya Madaxweyne xaaf,hayeeshee la isku haayo 14 ka mid ah qodobada heshiiskii Jabuuti oo aan la fulin.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay ku fashilantay xalinta khilaafka Galmudug ama Go’aan rasmi ah ay ka qaadato cida qaldan hoggaanka Maamulka Galmudug,hayeeshee ay weli wax socon la’yihiin.

Maamulka Galmudug ayaa u kala garab jabay labo garab,kuwaas oo fariisin u kala ah magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado,waxaana guud ahaan hakad ku jira howlaha maamulkaas uu u hayay Bulshada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheikh Axmed Shaakir ayaa ku shaqeynaya magaalada Dhuusa-mareeb,halka madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay ku sugan yihiin magaalada Cadaado halkaas oo ay howsha maamulka ay ka wadaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ayay isku dayday iney xaliso Khilaafka,balse uma suurta gelin sababo badan oo jira owgood.

You might also like More from author

Leave A Reply