Xildhibaanada oo kulan Xasaasi ah ku leh Muqdisho & Hay’adaha amniga oo hortagaya

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan xasaasi ah oo looga hadlayo arrimaha amniga ku leh magaalada Muqdisho iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka xarunta uu shirk aka dhacaayo.

Hay’adaha ammaanka sida Wasiirka amniga,Gaashaandhiga,Taliyeyaasha Booliska,Xoogga dalka,asluubta iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadi ayaa hortagaya Xildhibaanada maanta si su’aalo loo weydiiyo.

Shalay oo Sabti aheyd ayaa Xildhibaanada waxaa ay dood adag ka yeesheen xaalada Amni ee dalka,iyada oo Xildhibaanada ay muujiyeen dhaliilo ku aadan sida ay Xukuumadda u wajahday sugida Amniga dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga waxaa ay wax ka weeydiin doonaan xaalada amnidarro ay ka jirta Magalada Muqdisho iyo waxa uga qorsheysan, iyada oo ay xusida mudan tahay in todobaad ka hor muran uu ka dhashay kulan la filayey in su’aalo lagu weeydiiyo Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga.

You might also like More from author

Leave A Reply