Kuraastii ay baneeyeen C/casiis Lafta gareen & AUN Ex-Xildhibaan Kornel Ruush oo la buuxinayo

0

Guddiga madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono doorashada boos buuxinta kuraasta ka banana Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashada Kuraasta ka banana Golaha Shacabka ayaa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo,iyadoo Guddigu ku wargeliyay musharaxiinta u tartameyso labada Kursi in qabashada araajiyada iyo diiwaan gelinta ay bilaabaneyso 14-ka bishan April waxayna ku egtahay 21-April ee sanadka 2019-ka.

Labadan kursi ayaa waxaa baneeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Maxamed “ Lafta gareen” iyo AUN Ex-Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “ Kornel Ruush”.

You might also like More from author

Leave A Reply