Kulan su’aalo adag lagu weydiinayo Madaxda Hay’adaha amniga oo Muqdisho ka socda

0

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanaka Soomaaliya oo maanta su’aalo lagu weydiinayo Madaxda Hay’adaha amniga ayaa ka socda xarunta Golaha Shacabka magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa Kulanka Maanta waxa ay Su’aallo la xiriira xaalada amniga dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho ku weeydiin doonaan Mas’uuliyiinta Hay’adaha amniga dowladda,kadib markii Muddooyinkii dambe ay ka dhaceen Magaalada falal amnidarro xun.

Wararka aan ka heleyno xarunta Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas ay ku sugan yihiin Wasiirada Amniga, Difaaca iyo Taliyeyaaha Ciidamada Millateriga, Booliska, Asluubta,waxaana Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka uu inoo sheegay in kulanka uusan soo xaadirin qof ka socda Hay’ada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA.

Sidoo kale Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in kulanka Maanta uu yaha mid aad u adeg,isla markaana Saaxafada ay dib joog ka tahay.

You might also like More from author

Leave A Reply