Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Muqdisho & Khasaaro jira

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dagaallamayaan Ciidamo tirsan booliska iyo Milatariga Soomaaliya.

Iska horimaadka ayaa ka socda Isgoyska Baar ayaan ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Milatariga ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay ka gudbaan Koontorool halkaasi ku yaalla , laakiin waxaa uu diiday Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,taasoo dhalisay in labadda dhinac ay dagaallamaan.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu jiro Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Iska horimaadkaan.

You might also like More from author

Leave A Reply