C.C.Shakuur” Madaxda dalka ayaa si buuxda u qaadaya Mas’uuliyadda dilalka,”

0

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay dilkii ugu dambeeyay ee Muqdisho loogu geystay dawaral Mooto Bajaaj iyo qof u saarnaa mootada ayaa sheegay in hab dhaqankan uu yahay mid ku cusub Booliska Gobolka

Banaadir lana socdo taliska cusub.

Madaxda dalka ayuu sheegay iney si buuxda u qaadayaan mas’uuliyadda dilalka,maadama ay taliska Gobolka Banaadir u dhibeen ninkii u qaabilsanaa shirqoolada iyo dilalka qorsheysan ee siyaasiyiinta.

Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka uu Facebooka soo dhigay:-

Marxuumkani Allaha u naxariistee waa wiil Bajaajle ah oo ay ciidanka Booliska toogteen isaga iyo ruux kale oo rakaabkiisa ahaa. Habdhaqankan waa mid ku cusub Booliska Gobolka Banaadir wuxuuna la socdaa taliska cusub. Madaxda dalka iyaga ayaa si buuxda u qaadaya masuuliyada, maadaama ay taliska Booliska Gobolka Banaadir u dhiibeen ninkii u qaabilsanaa shirqoolada dilalka qorshayn ee siyaasiyiinta, awoodna u siiyeen in uusan hoos tegin, amarna ka qaadan Taliska Guud ee Booliska Federaalka. Si dhibka xal loogu helo, madaxda dawlada waxaan kula taliyanaa

1- In Gacanta lagu soo dhigo ragii wiilasha dilay, lana maxkamadeeyo.

2- In xilka laga qaado Taliyaha Booliska Gobolka.

3- In Taliyaha Booliska Federaalka awoodiisa loo soo celiyo.

4- In maleeshiyaadkii Xasilinta loo bixiyey ee Nabadsugida laga soo ganay, Booliskana lagu soo dhextuuray, dhaqan celin iyo tababar Boolis loo furo.

5- Si sharaf leh loo aaso ehelkoodana Magdhow la siiyo wiilasha la dilay.

You might also like More from author

Leave A Reply