FIIRSO: Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda dalka Sudan & Ninkii qiyaamay madaxweynihii la eryay ee Albashiir

0

Dadweynaha Sudan ayaa maqlay hadal ay wakhti dheer sugayeen kadib markii Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf ka dhawaajiyay in gabi ahaanba xukunkii laga qaaday Cumar Xasan Al-Bshiir, sidoo kalana wuxuu sheegay iney ku xireen goob an dhibaato ka jirin.

Bin Cawf wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka uu kalsoonida ugu weyn ku qabay Al-Bashiir maadaama uu hayay laba xil oo awood sare leh, wasiirka Gaashaandhigga iyo sidoo kale xilka madaxweyne ku xigeenka.

Al-Bashiir ayaa bishii February ku dhawaaqay in Bin Cawf uu yahay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee xukuumadiisa, wuxuuna ka dhiganayay awood maadaama xilligaas mudaharaadyada looga soo horjeedo dowladda ay sii xoogeysanayeen.

You might also like More from author

Leave A Reply