Wararkii ugu dambeeyay Qarax gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan DF oo Muqdisho ka dhacay

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax gaari oo daqiiqado ka hor ka dhacay ka dhacay agagarka Isgoyska Shaqaalaha ee Wadada Maka-Almukarama ee Magalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gaariga qaraxa lagu dhejiyey uu qarxay xilli uu yaallay wadada dhinaceeda,hayeeshee aysan wax khasaaro ah uusan geysan,waxaana la sheegay in uu lahaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa la sheegay in gaariga inta uusan qarxin uu ka degay,waxaana goobta gaaray ciidamo boolis ah kuwaas oo mudo saacado ah hakad geliyey isku-socodka dadka iyo gaadiidka wallow markii ambe ay dib u fureen.

Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa kusoo badanayay qaraxyada loo adeegsadao miinada nooca gawaarida lagu dhejiyo,kuwaas oo lala bartilmaameedsado Saraakiisha Ciidamada iyo mas’uuliyiinta Dowladda.