Guddoomiye Mursal oo isugu yeeray Agaasimeyaasha iyo Madaxda Warbaahinta Madaxa bannaan

0

Kulankaan ayaa lagu wadaa in Maanta Magalada Muqdisho ku yeeshaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Agaasimeyaasha iyo Madaxda Warbaahinta.

Kulankaan oo u dalbaday guddoomiye Mursal ayaa looga hadli doonaa arrimo la xiriira Warbaahinta iyo Baarlamaanka xilli dadaal loogu jiro in Warbaahinta laga joojiyo tebinta Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.

Shalay ayaa intooda badan waxaa Xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka looga yeeray Agaasimayaasha iyo Madaxda Warbaahinta Muqdisho, sida Tv-yada iyo Idaacadaha ku yaalla Caasimadda.

Kulankan ayaa daba socda xilli dhawaan buuq ay sabab u ahaayeen Wariyeyaasha muqdisho uu ka dhacay Kulankii Sabtidii la soo dhaafay ee Golaha Shacabka, kaas oo u baaqday sababao la xiriira in Saxaafada ay kulanka banaanka ka joogto iyo inay ka qeybgasho taas oo ay isku khilaafeen Xildhibaananda Golaha Shacabka.

You might also like More from author

Leave A Reply