FIIRSO: Guddoomiye Yariisow oo mar kale amray in laga guuri dhulkii Ciidamada Badda Ex-Marino lana siinayo diblomaasiyiin shisheeye

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) oo wareysi siinayay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay go’aankii muranka dhaliyay ee uu ka soo saaray dhulkii

Xarunta Ciidamada Badda (Ex-Marino) iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda ilaa iyo dhanka dambe ee xeebta Liido.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dhulkaasi uu yahay dan guud (dhul Dowladeed),islamarkaana nasiib daro ah ay tahay in xilligan ay shaqsiyaad ku doodaan iney Decumenti u heystaan,sida uu hadalka u dhigay.

“ Arrintaasi go’aannaa ka soo saaray Ex-Marino waa meeshii ciidanka Badda uu lahaa oo uu ku jiro gurigii taliyaha Ciidanka badda,dhulkaasi isaga iyo ilaa iyo xeebta waxaan soo saarnay iney noqdaan dhul diblomaasiyadeed,Duq magaalo ahaan waajibka isaaran waxay tahay in diblomaasiyiinta dhul loo helo,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply