Hay’adaha samafal ee ka howlgala Hirshabeelle oo masuq maasuq lagu helay & baaritaan ku socdo

0

Xildhibaan Maxamed Bashiir Qasim “ Daqare” Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in baaritaan uu sameeyey Maamulka Hir-Shabeelle lagu xaqiijiyey in Hay’adaha qaarkood ay musuq maasuq ku

sameeyeen deeqaha loogu talo galay dadka Beeraleyda ah.

Waxa uu sheegay in looga digayo Madaxda Hay’daha samafalka inay musuq maasuqaan deeqaha loogu talo galay Beeraleyda deegaanada Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle oo uu sheegay in boqolkiiba soddon oo kaliya ay gaarsiiyaan deeqaha loogu talogalay shacabka.

Inta badan Shacabka ku dhaqan deegaanada Hirshabeelle ayaa waxay yihiin dad Beeraley ah oo u baahan in laga caawiyo agabyada ay ku horumarin karaan wax soo saarkooda.

Waxaa jira Hay’ado badan oo ku qaraabta magaca beeraleyda,islamarkaana ku qaata dhaqaalo fara badan oo aanay gaarin meeshii loogu talagalay.

Hadalka Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim”Daqare” ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan uu kormeero ku tegay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Buulo-burde.

You might also like More from author

Leave A Reply