XOG+FIIRSO: Qodobada ay isku mari la’yihiin Axmed Madoobe & Madaxda Villa Somalia oo la ogaaday

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa mudo todobaad ah ku sugan magaalada Muqdisho,waxaana dhowr jeer intii uu ku sugnaa la kulmay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulamadaasi ayaa waxaa ka soo baxaya warar is-khilaafsan oo la xiriira qodobada ay ka wada hadleen mas’uuliyiintu.

Siciid Cabdu Budul oo horay u soo noqday Afhayeenkii laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in waxyaabaha uu isleeyahay in ilaa iyo hadda la isku mari la’ yahay ay ka mid tahay nuuca doorashada la doonayo in sanadkan ka dhacdo Jubbaland iyo warar la helayo oo sheegaya suurta galnimada in Dowladda Federaalka caawiso in markale Axmed Madoobe inuu soo laabto.

You might also like More from author

Leave A Reply