XOG+FIIRSO: Maxaa ka soo baxay shirkii Xasaasiga ahaa ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka maanta yeesheen?

0

Maxaa ka soo baxay kulankii guddiga joogtada ee saacadaha badan socday?.Waxaa hada soo dhamaaday kulankii ay lahaayeen guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo socday in ka badan 3 saacadood ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaa goobjoog ka ahaa kulanka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

Waxaa kulanka lagu lafo guray guntanka (kooramka) xildhibaanada iyo sidii loo ilaalin lahaa, waxaa dib u eegis lagu sameeyay ajendayaasha golaha, waxaa tiro koob lagu sameeyay oo dib loo hubiyay xubnaha guddiyada golaha iyo buuxinta xubnaha ka maqan guddi walbo.

You might also like More from author

Leave A Reply