FIIRSO: Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuu iscasilo,maadama uu ku fashilmay Hoggaanka dalka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa loogu baaqay in uu xilka iska casilo kadib markii uu ku fashilmay amniga Dalka, iyo dagaalka Al-shabaab.

Siyaasi Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro), oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa si kulul kaga hadlay xaaladda dalka haatan ka jirta.

Waxa uu sheegay in amniga uu faraha ka baxay,islamarkaana Madaxweynaha Soomaaliya uu kula talinaayo in uu iscasilo.

“Madaxweynaha Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in uu iscasilo, haduu iscasilo Xukuumadda Kheyre sidaas ay meesha ugu baxaysaa taladda dalka baarlamaanka ayay hoos tagaysaa,laba sano  iyo bar ayaa dhibaato noogu filan”,ayuu yiri Siyaasi Daahir Ciiro.

Hadalka Siyaasi Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro), oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed  marna soo noqday Xildhibaan Baarlamaan ayaa imaanaya xili amniga dalka uu faraha ka baxay,waxaana Magaaladda Muqdisho ka dhacay qaraxyo ay shabaab geysteen.

You might also like More from author

Leave A Reply