FIIRSO: Qaraxyada Muqdisho oo joogta noqday & Farmaajo oo dhaar ku maray…

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay xaaladda amni ee dalka ayaa sheegay iney wadaa qorshe ay isbedel ugu sameynayaan Hay’adaha amniga ee dalka Si loo dejiyo qorsheyaal ciidan oo si

rasmi ah uga hortaga kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qiray in shaqo badan looga baahan yahay dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka argagaxisada,wuxuuna madaxweynaha carabka ku adkeeyay iney ka go’an tahay in dalka lagu soo dabaalo xasilooni iyo nabad galyo Shacabka ay ku naaloodaan.

“Waxaa hubaal ah in shaqo badan nalooga baahan yahay dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada,sidaasi darteed anagoo ku xisaabtameyna marxaladaha adag ee dalkeennu uu ku jiro,Hadey tahay dhaqaalo iyo siyaasad ahaanba iyo Bulshadaba waxaan qorsheynay inaan isbedel la taaban karo ku sameyno iyo dib u habeyn ku sameynayo laamaha amniga ee dalka,”ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Munaasabada furitaanka kala-fadhiga shanaad ee Golaha shacabka oo shalay ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply