Guddoomiye Cusub oo loo magacaabay degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalada Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa degmada Xamarweyne waxa uu u Magacaabay guddoomiye Cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa guddoomiyaha degmada Xamarweyne loogu Magacaabay Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo xilkaasi uu yahay markii labaad oo uu qabto.

Degmada Xamarweyne ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxa ay aheyd Guddoomiye la’aan, kadib markii guddoomiyihii degmadaas Cumar Shariif Jeeg Shaqa joojin lagu sameeyey, laguna eedeeyey in uu u gefay ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

You might also like More from author

Leave A Reply