Akhriso: 48-saac gudahooda oo dhimashadii ugu badneyd ka dhacday Soomaaliya

0

Wadarta tirada dadkii ku dhintay dagaaladii ka dhacay degaanada Xeraale iyo Burdheere ee Gobalada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe ayaa korartay kadib markii ay dhintayn qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada qabay ee la dhigay Isbitaalo ku

yaala magaalada Muqdisho iyo Galgaduud.

Xog aruurin aan ka sameynay Isbitaalo ku yaala Caabudwaaq, Guricayl iyo Magaalada Muqdisho ayaa ku ogaanay in dhowr qof oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay degaanka Xeraale iyo Degmada Cadalle ay korartay.

Sidoo kale goobihii lagu dagaalamay xariiro aan la sameynay ayaa ku ogaanay in maydad badan oo hor leh laga helay aaggii lagu dagaalamay.

Degaanka Xeraale ayaa la sheegay in tirada dadkii ku dhintay ay gaartay 48 qof, kadib markii ay geeriyoodayn dhowr qof oo la geeyay Isbitaalo ku yaala Caabudwaaq iyo Guricayl.

Sidoo kale degaanka Burdheere ayaa la sheegay in tirada dadkii ku dhintay ay korartay waxayna gaartay in ka badan 40 qof, waxayna wadarta dhimashadu ay haaraysaa 88  qof oo isugu jira Shacab iyo dhinacyadii dagaalamay.

Maanta xaaladda goobihii lagu dagaalamay waa dagan tahay waxaana la sheegayaa in wali ay is hor-fadhiyaan Ciidamadii dagaalamay waxaana laga cabsi qabaa in markale dagaalo dhacaan hadii aan xal la dhax dhigin dhinacyadii dagaalamay.

You might also like More from author

Leave A Reply