SAWIRRO: Weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay Netharland

0

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyootay dhowr kalena waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday magaalada Utrecht ee dalka Holand, sida uu sheegay afhayeenka Booliska

Qof goobjooge ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in toogashada ay ka dhacday gudaha dhismo ku yaalo Galbeedka magaalada

oo la yiraahdo 24-kii Oktoberplein

Goobjooge kale ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay inuu arkay haweeney dhaawac ah oo ka soo carartay goobta toogashada ay ka dhacday,waxayna u muuqatay mid xabada ka haleeshay xabadka,waxaana dhiig kaga yaalay gacmaha iyo dharkii ay wadatay.

“ Waxaan ku qaaday gaarigeyga,waana caawiyay,markii ay booliska yimaadeena,waa ay miyir beeshay,” ayuu yiri qofka goobjoogaha ahaa.

Booliska ayaa sheegay in qofka tuhmanaha ah uu baxsaday,islamarkaana lagu daba jiro.

Kooxaha gurmadka deg deg ah oo ay ku jiraan Booliska iyo diyaarado Helicopters ah ayaa gaaray durbadiiba goobta ay toogashada ka dhacday.

Ammaanka magaalada Utrecht ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan goobaha dadka ay isugu yimaadeen ee Dukaamada iyo waliba xarumaha kale muhiimka ah ee Dowladda.

11133486 6821647 Image A 29 1552909734614
11133486 6821647 Image A 29 1552909734614
Bbb
Bbb
111598ea5555431ea120fc4d7a6759b3 18
111598ea5555431ea120fc4d7a6759b3 18
11133486 6821647 Image A 29 1552909734614
11133486 6821647 Image A 29 1552909734614

You might also like More from author

Leave A Reply