Waxaa sii xoogeysanaya Khasaaraha ka dhashay dagaal wali ka socda Gobolka Shabeellaha dhexe

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo u dhaxeeya Labo maleeshiyo Beeleed oo saakay ka ka qarxay ilaa iyo hadana ka socda deegaano hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalka oo wali socda marba marka ka sii dambeysana sii xoogeysanaya ayaa sababay khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa saakay markii hore ka bilowday deegaanka Burdheere,waxaana haatan uu kusii fiday deegaano hor leh oo hoostaga Cadale,iyadoona la isku adeegsanayo hubka nooyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa dagaalkaas ku geeriyootay halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka, sida qof kamid ah dadka deegaanka uu u sheegay Idaacada Dalsan ee Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dadkii dhaawacmay loo soo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya goobaha uu dagaalka ka socdo ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada halkaas ay tahay mid kacsan,isla markaana rasaas culus laga maqlayo.

You might also like More from author

Leave A Reply