Guddoomiye Mursal oo amray in si deg deg ah loo baaro Qaraxii lagu laayay dadka rayidka ee ka dhacay G/Baay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed  Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ka

dib markii ay ku qaraxday Miino Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab ay gelisay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee deegaankaasi ku yaalo.

Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa ku geeriyootay,halka 34-Qof dad ka badana ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Shacabkii ku dhintay dhagartaasi ay Al-Shabaab maleegeen Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.

Ugu dambeyntii,Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ugu baaqay Hay’adaha ammaanka Maamulka Koonfur Galbeed iney sameeyaan baaritaan lagu baadi goobayo dhagar qabayaashii ka dambeeyay falkaasi dadka masaakiinta ah lagu laayay cadaaladdana la horkeeno.

You might also like More from author

Leave A Reply