Askari ka tirsan DF oo Muqdisho ku toogtay Wiil dhalinyaro ah oo Mooto Bajaaj waday

0

Askari Ka tirsan Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa si bareer ah Rasaas ugu furay wiil dhalinyaro Bajaajle ahaa Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Wadada ayaa aheyd mid xiran oo ciidamada ay dadka ka celinayeen,waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada ay diideen in gaadiidka isticmaalaan,dadka lugeynaya ayaa waddooyinka qaar la fasaxayey.

Muran soo kala dhex galay darawal bajaajle ah iyo Askari Wadadaasi ilaalo ka hayey gaadiidkana celinayey waxay keentay in dhowr xabadood lagu furo bajaajlaha.

Goob joogayaal waxay sheegeen inay rasaasta Caloosha kaga dhacday dhiig badana ka baxay,kaas oo dhaawac culus isagoo ah la qaaday.

Ciidamada Dawlada ayaa lagu Eedeyey inay Tacadiyo aan la isku ciqaabin kusameysaa Darawalada Bajaajleyda Muqdisho oo qudhooda lagu eedeeyo Dhalinyarada bajaajta inay Amarka qaadanin.

You might also like More from author

Leave A Reply