XOG: Maxaa ka soo baxay kulan Xasaasi ah oo Kismaayo ku dhexmaray Kheyre,Axmed Madoobe & Fahad Yaasiin?

0

Xalay waxaa kulan xasaasi ah Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose uu ku dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ,kusimaha taliyaha NISA ahna taliye ku-xigeenka NISA Fahad Yaasiin oo Talaadadii tegay

Kismaayo  iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Ka hor kulanka labada dhinac ayaa dhawaan waxaa Nairobi isku arkay, Madaxweynaha Jubbaland iyo Fahad Yaasiin, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland,isla markaana lagu wada hadlo Magalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Kulanka oo Saxaafada ay banaanka ka joogtay ayaa looga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid ahaayeen doorashada jubbaland ka dhaceysa iyo sidii Maamulka Jubbaland u Xubno ugu yeelan lahaayeen dowladda Federaalka,isla markaana Golaha Wasiirada Soomaaliya Isku-Shaandheyn lagu sameyn doono.

Ilo xog-ogaal ah kana qeybgalay shirkaas ayaa waxay inoo sheegeen in wadahadalada labada dhinac ay inta badan isku fahmeen qodobadii ay ka wada hadleen,waxaana jira isku-shaandheyn lagu sameyn doono Golaha Wasiirada Soomaaliya, isla markaana Maamulka Jubbaland uu xubno ku yeelan doono.

Sidoo kale qodobada ay ka hadleen ayaa waxaa ka mid ah in dowladda Soomaaliya aysan faragelin ku sameyn doorashada Jubbaland oo la filayo inay dhacdo Bisha Agoosto ee Sanadkaan 2019 si la mid ah doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Kulamada u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare kheyre kusimaha taliyaha NISA iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa weli Kismaayo ka socda,waxaana warbaahinta qaarkood iyo Baraha Bulshada lagu faafinayay in dowladda Madaxweynaha Jubbaland ka codsatay in uu ka  tanaasulo u tartamida Madaxweynaha Jubbaland, hayeeshee warkaasi cadeyntiisa aysan weli soo bixin.

You might also like More from author

Leave A Reply