Suurta-gal ma tahay in DF hirgeliso Doorasho Qof & Cod ah sanadka 2020-ka?

0

Dowladda Federaalka ah ayaa qorshe ku aaddan doorashooyinka u gudbisay dabayaaqadii bishii February ee sanadkan Golaha Ammaanka. QM ayaa dowladda ku cadaadinaysa xal u helidda xaaladda kala guurka ah, hase yeeshee dowladda ayaa ka cudur

daaratay in aysan qaban karin doorasho qof iyo cod ah balse ay keeni doonto qorshaha xiga.

Qorshaha ay dowladda Federaalka ah u gudbisay Golaha ammaanka ee QM ayaa ah in Ergadii ansixisay Dastuurka ay xagga sharciyadda marjic u yihiin Hay’adaha dowliga ah

Soomaaliya sida ay ku doodday dowladda FS, sanadkii 2012-ka ayay ergadu ansixisay Dastuurka ay xilligan ku shaqeyso dowladda Soomaaliya, kuwaas oo tiradoodu tahay 825 Ergo isla markaana laga soo xulay Beelaha Soomaaliyeed oo dhan. Dowladda Federaalka ah ayaa aaminsan in sharci diidayo aanu jirin in ergadu ay iyagu doortaan Madaxweynaha 2020-ka maadaama ay iyagu marjic u yihiin sharciyadda hay’adaha dowladda, doodda dowladda ayaa meesha ka saarraya kaalinta Golayaasha Baarlamaanka.hannaankan qaab-doorasho ayaa awood siinaya Madaxweyne KMG ah isla markaana laba sano xilka haynaya si dalka uu” u gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, waa sida uu yahay qorshaha Dowladda Federaalka ah.

Waxaa lasaadaalin karin hirgalinta qorshahan oo durbaba u muuqda mid caqabado ku gadaamman yihiin, isla markaana dhaawaci kara hammiga hoggaanka xilligan, ujeeddada hannaankan ayaa ah awood siinta Ergadii 825-ta aheyd si ay u doortaan Madaxweynaha 2021-ka. marka dib loo eego qaab-qeysiga Ergada waxaa adag in meesha laga saaro Golayaasha sharci dajinta. siiba Golaha Shacabka, oo halbeeg u ah habka loo qeysaday Ergada 2012-kii ansixisay Dastuurka KMG.

Odayaasha dhaqanka ee saldhigga u ah dhismaha dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya muddo 19 sannadood ah, isla markaana xilligan ka kooban 135 ruux ayaa soo xulay Ergadii aheyd 825-ta xubnood, Kadib markii nambarka xubnaha Baarlamaanka dib loogu celiyay Baarlamaankii Carta ee sanaddii 2000, Maamulkii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo saxiixayaashii hannaanka ka gudbidda ku meel gaarnimada ayaa heshiis siyaasadeed ku gaaray in Nambarka Baarlamaanka lagu soo koobo 275 mudane.

Haddaba habkee beelaha Soomaaliyeed loogu qeybiyay Ergadii ansixinta Dastuurka.

Habka loo qeybsaday xubnaha Ergada waxaa saldhig u ahaa beelaha sida ay ugu kala xubno badan yihiin kuraasta Baarlamaanka, tusaale ahaan halkii kursi ee xubin Xildhibaan ah waxaa metelaysay seddex ergo, waxaa ay horay uga heshiiyeen Beelaha Soomaaliyeed qeysiga kuraasta Baarlamaanka. iyadoo beel walbaa ay dhexdeeda si hoose xal uga soo gaartay sida ay Jufooyinka u wadaagayaan xubnaha kuraasta Baarlamaanka,arrintaas oo meesha ka saartay in aanu dhicin khilaaf la xiriira hab-qeysiga xubnaha Ergada ee beelaha dhexdooda ah.

Nambarka Ergada waxaa saldhig looga dhigay tirada Baarlamaanka, si xal loogu helo hannaan socodka xaaladdii kala guurka aheyd, isla markaana khilaaf la’aan loogu qeybsado Ergadii ansixinta Dastuurka.(275 x 3 = 825) in ergada qeysigeeda lagu saleeyo kuraasta xubnaha Baarlamaanka waxaa ay si dhib yar ugu sahashay Odayaasha dhaqanka ee 135-ta ah isla markaana dib ugusii qeybiyay beelaha ay matelayeen iyagoo aan la kulmin wax caqabado ah.

Marka dib loo eego taariikhda dowladnimada Soomaaliya ee casriga ah,laga soo billaabo sanadkii 2000.illaa 2016 waxaa ay soo martay marxalado aad u adag, una badnaa caqabado kaga imaanayay hoggaamiyaal hubaysan iyo kooxo u abaabulnaa hab qabiil.

Siyaasad ahaan kooxaha hubaysani geed-fadhi u ahaa, tallaabada kooxahaasi is kaabayay waxaa la rumeysan yahay in ay salka ku haysay kalsooni darrada bulshada u dhaxaysay isla markaana muujinaysay dhismaha dowladdooda in aan si dhammeystiran aaney haysan kalsoonidooda. Waxaa xaaladdaas adkeyd gaas kusii shubay Al-Shabaab oo ah koox argagaxisado ah,oo si aan kala sooc laheyn wax yeello joogta ah u gaysata bulshada Soomaaliyeed.

Nasiib wanaag booga-dhayidda bulshada Soomaaliyeed, kalsooni dhiska, iyo dhismaha dowladnimadooda oo isku garab socda darraadeed, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed kalsoonidooda siiyeen Dowladda, isla markaana aqoonsadeen cidda kaliya ee sharciyadda u haysata dalka in ay tahay dowladda Federaalka ah, inkastoo aaney iyagu si toos ah usoo doorran madaxdooda.

Iyadoo ay caqabadahaasi iyo kuwa kale oo dibadda ah ay jireen, ayay dowladihii hore Xafiisyada isugu banneeyeen iyagoo marna aanan ka weecan cahdiga qori-isku dhiibka ah ee waqtiyaysan, waa muddo xilleedka dowladda e. isla markaana dowlad walbaa hannaanka ay ku dhalatay kor uga sii qaadaysay middii iyada ka dambeysay. si looga dhabeeyo hiigsiga doorashada qofka iyo codka ah.

Hannaanka keeddi socodka ah ee marba meel soo harsanayay isla markaana xasaasiyado badan lahaa, wuxuu ahaa hannaan isugu jira booga-dhayidda bulshada Soomaaliyeed iyo dhismaha qarankooda, in ay dib mar kale dhidibada ugu taagaan. iyadoo la ilaalinayo xilliga ay ku egtahay sharciyadda dowladda ee qoray-isku dhiibka ah, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara dib u dhac ku yimaada dhismaha dowladnimada umadda Soomaaliyeed. qorshaha doorasho 2020-ka ee Maamulka xilligan talada haya, waxaa ay dib u socod ku tahay dhismaha dowladnimada casriga Federaalka ah ee Soomaaliya, oo sida aan dhibka yareyn lagu soo gaarsiiyay meesha maanta ay joogto, isla markaana loo soo huray dhiig, dhaqaalle,iyo waqti 19 sannadood ah.

Abdirahim Ahmed dhagey

C.a.dhagey@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply