SAWIRRO: Ciidamo fara badan & fashil amni oo ku soo uruurtay Dowladda Farmaajo

0

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo uu wehlinayey taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay Maanta Kormeer ku tageen Taliska Guutada 11-aad qaybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee

Gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka iyo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Saraakiisha Ciidamada guutada qaad eek u sugan Xeraha ay booqdeen, iyaga oo kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliye Indha-Qarshe ayaa Saraakiisha Ciidamada ugu baqya inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu sheegay in uu dhawaan ka bilaaban doono gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa la filayaa in uu booqdo Xerooyinka kale oo ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo saraakiisha Ciidamada kala hadli doono dardar gelinta dagaalka Shabaab looga saarayo deegaaanda ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka.

1 34
1 34
2 33
2 33
3 29
3 29
4 22
4 22
5 15
5 15
6 9
6 9

You might also like More from author

Leave A Reply