Maxaadan Ogeyn oo ka cusub Howlgal xalay ciidanka ay ka fuliyeen demada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe?

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Howlgal ay xalay ciidamada ammaanka ka sameeyeen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Howlgalka ayaa laga sameeyay dhammaan xaafadaha degmadaasi,sida ay inoo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad.

Dadka ku sugan Balcad ayaa sheegaya in ay ciidamadu qabteen ku dhawaad 100-qof oo u badan dhalinyaro kuwaas oo lagu xiray saldhigga dhexe ee degmada si baaritaano loogu sameeyo,waxaana howlgalkaan uu yahay mid lagu xaqiijinayo Amniga Balcad.

Sidoo kale,Maamulka degmada ayaa tilmaamay marka la soo geba-gebeeyo howlgalkaan ay la hadli doonaan Warbaahinta kaliyana waxa ay ku soo gaabsadeen in maamulku uu gudanayo masuuliyadda ka saaran dhinaca Amniga degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe.

You might also like More from author

Leave A Reply