Mareynkanka oo shaaciyay 2-sarkaal oo Al-Shabaab muhiim u ahaa inuu duqeyn ku dilay

0

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegteen inay 2 Dagaalyahan ku dileen duqeyn ay Talaadadii la soo dhaafay ka fuliyeen Koonfurta Somalia.

Hadal ay AFRICOM xalay soo saartay ayey ku sheegeen inay duqeyntaasi ka dhacday agagaarka Deegaanka Huleey oo ka tirsan Gobalka Sh/hoose, waa sida ay hadalka u dhigeen.

AFRICOM waxay kaloo sheegeen inaysan dad rayid ah ku geeriyoonin, kuna dhaawacmin duqeyntaasi, oo ay sheegeen inay ahayd Istaraatijiyad lagu taageerayey Ciiddanka DFS, si culays loogu saaro Xarakadda Alshabaab, waa sida ay sheegteen.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay Duqeyntaas.

You might also like More from author

Leave A Reply