Kenya oo sheegtay iney dishay xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab

0

War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Kenya ayaa lagu faah faahiyay dagaal Ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Gedo.

Dowladda Kenya waxaa ay sheegtay in saddex ka mid ah dagaallamayaasha AL-shabaab ay dishay sidoo kalena qabatay mid ka mid ah Raggii dagaalka la galay Ciidanka Kenya.

Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa soo bandhigtay Hub iyo Rasaas ay sheegtay in Ciidankooda ay kala hareen kuwa Al-shabaab ee shalay ku dagaallamay Buulo Xaaji.

Afhayeenka Ciidanka difaaca Kenya Paul Njuguna, ayaa sheegay in Ciidamadooda oo roondo ku jiro ay weerar kala kulmeen AL-shabaab iskana difaaceen.

Waxaa uu Paul Njuguna, sheegay in ay gacanta ku dhigeen Rasaas farabadan iyo saddex qori oo labo ka mid ah ay yihiin AK47.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Ciidamooda ku jira AMISOM ay heegan sare ku jiraan marwalba una diyaar garoobeen in ay ka hortagaan weerarrada AL-shabaab.

Ciidanka Kenya ayaa Bishii January ee la soo dhaafay sheegay in ay dileen 7 ka mid ahaa Alshabaab kana qabsadeen hub farabadan.

Dhinaca Al-shabaab wali kama hadlin weerarka ay Kenya ku sheegatay in ay ku dishay saddex ka mid ah Al-shabaab hubna uga furatay.

You might also like More from author

Leave A Reply