XOG: Maxay tahay arrimaha ka hortaagan DF iney difaacdo maalka & Nafta Muwaadinka Soomaaliyeed?

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay iney dayacday amniga muwaadiniin Soomaaliyeed ee canshuurta bixiya,islamarkaana ay ku mashquuleen arrimo siyaasadeed.

Kulan magaalada Kismaayo ku dhexmaray Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Dhalinyarada magaaladaasi ee waxbartay ayaa su’aalo adag lagu weydiiyay Mudane Xasan Cali Kheyre,kuwaasi oo qaarkood ku adkaaday inuu si sax ah kaga jawaabo.

Qaar ka mid ah Dhalinyaradii la kulantay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa su’aalihii ay weydiiyeen waxaa ka mid ah “sababta Dowladda Federaalka u sugi la’dahay amniga Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho maalin kasta dil bareer iyo Qarax ismiidaamin ah ku dhammaada,islamarkaana Madaxtooyada Soomaaliya uga dhabeyn la’dahay balanqaadkii ay Shacabka Soomaaliyeed u sameysay.

Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku war-celiyay in Dowladda Federaalka mudadii labada sano ah ee ay jirto ku mashquushay sidii dib u habeyn iyo tira-koob sax ah loogu sameyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada ay hadda Akoon ku qaataan lacagahooda mushaaraadka ah.

Dadka arrimaha ammaanka ku xeel dheer ayaa aaminsan in Dolwadda Federaalka ay ku fashilintay siyaasateeda amniga iyo waliba hannaanka ay u wajaheyso dagaalka Al-Shabaab.

Mudada labada sano ee Dowladda Farmaajo wax dagaal ah kuma qaadin Al-Shabaab,balse taasi cagsigeeda Al-Shabaab ayaa sii laba jibaaray weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply