Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika+Magaca

0

Dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaas.

Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay Xafadda Mamelodi oo hoos tegta Magaalada Pretoria,isla markaana kooxo hubeysan oo burcad ah ay dhowr xabadood ay la dhaceen Muwaadinka Soomaaliyeed,waxaana xiliga falkan uu ka dhacaayay ku sugnaa halkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cali Xoosh,kaasi oo kamid ahaa Ganacsatda Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika.

Labda habeen kahor ayey aheyd markii Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Xuseen Muxumed Xasan sidaan oo kale loogu dilay Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa Sanadkan gudihiisa lagu dilay dhowr qof oo Soomaali ah kana kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaasi,iyadoona  weli aysan jirin cid ka hadashay dilalka arxan darada ah ee loo geysanaayo Soomaalida kunool Koonfur Afrika.

You might also like More from author

Leave A Reply