Howlgal qorsheysan oo ay Ciidamada ammaanka ka fuliyeen magaalada Jowhar+(Maxaa soo kordhay?)

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka magaaladaasi saakay howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen.

Howlgalka oo ahaa mid Ciidamada gur guri ugu baarayeen ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaaladaasi.

Inta ay socdeen baaritaanadan ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay mootooyinka nuuca loo yaqaano Fekon-ta, kuwaas oo aan sharciyeysneyn.

Illaa iyo hadda ma jiro warar faah faahan oo ay saraakiisha dhanka amnigu ka bixiyeen howlgalladaani.

Muddooyinkii dambe xaaladda Jowhar ayaa aheyd mid dagan, iyadoona aad loo adkeeyay amniga magaaladaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply