DEG DEG: Qarax Xooggan oo kolonyo ka tirsan AMISOM lagula eegtay duleedka Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Deegaanka Arbacow oo u dhow Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaaladda muqdisho.

Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika AMISOM oo halkaas marayay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa oo meel kala duwan laga maqlay ayaa dhacay xilli ay halkaas marayeen Ciidamadda AMISOM ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan.

Dhanka kale Ciidamadda AMISOM ee qaraxa lala eegtay ayaa furay rasaas fara badan,waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

You might also like More from author

Leave A Reply