XOG XASAAASI AH: RW Kheyre oo ka hor yimid qorshe Farmaajo xilka kaga qaaday Yariisow & Wasiir Amniga

0

Illo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu ka hor yimid qorshe madaxweynaha Soomaaliya uu damacsan yahay inuu xilka kaga qaado taliyeyaasha Ciidamada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

si isbedel amni loogu sameeyo magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

Xogaha aan heleyno ayaa tibaaxaya in madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu habeen ka hor isugu yeeray Taliyeyaasha Ciidamada Booliska,Militariga iyo waliba guddoomiyaha Gobolka Banaadir kuna canaantay haddeysan amniga caasimadda sidan u dhaami Karin iney xilka isaga tagaan si shacabka rafaadsan loo samata bixiyo.

Intaasi,ka dib madaxweyne Farmaajo ayaa go’aansaday inuu xilka ka qaado Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) iyo Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow.

You might also like More from author

Leave A Reply