Meydka Wiil dhalinyaro ah oo laga helay Wadada Maka Al-mukarama ee Muqdisho

0

Sida wararka aan ku heleyno,meydka Wiil dhalinyaro ah ayaa saakay lagu arkay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadada Maka Al-mukarama halkaasi oo 28-kii bishii hore uu ka dhacay Qarax iyo weerar ay soo qaadeen Al-Shabaab.

Ciidanka Booliska ayaa saakay xilli halkaasi ka qaaday meydka wiilkaan dhalinyaradda ah, waxaana loo qaaday xarunta dambi baarista ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dad hareeraha wadada Maka Al-mukarama Ganacsi ku leh ayaa warbaahinta u sheegay meydka wiilka korkiisa aysan ka muuqan wax dhaawacyo ah, islamarkaana xalay markii la xiray goobaha ganacsiyadda ka dib halkaasi lasoo dhigay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo Ciidanka Booliska oo ku aadan Meydkaan wiilkaan laga helay Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply