FIIRSO: Aas Qaran oo loo sameynayo meydka Wasiirkii Dastuurka & RW Kheyre oo guddi u saaray

0

Ra’iisul Wasaare Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo diyaariya Aas Qaran oo loo sameynayo Allaha U Naxariistee Wasiirkii Arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Meydka Alle ha u naxariistee Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa la keenayaa magaalada Muqdisho halkaasi oo aas Qaran oo ay ka qeyb galaan madaxda Soomaaliya loogu sameynayo.

Dhanka kale,warar soo baxaya oo aan heleyno ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu baajiyay safarkii uu beri ku tagi lagaa magaalada Kismaayo si uu uga qeyb galo aaska Qaran ee Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa mas’uul Qaran oo shacabkiisa u soo shaqeeyay.

You might also like More from author

Leave A Reply