DEG DEG+FIIRSO: Wasiirka arrimaha Dastuurka Xoosh Jibriil oo goordhow geeriyooday

0

Waxaa Cisbitaal ku yaalo magaalada Dubai ku geeriyooday Wasiirka arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Alle ha u naxariistee Wasiirka ayaa mudooyinkii u dambeeyay xanuunsanayay,taasoo ugu dambeyn maanta oo jimco ah taariikhdana ku beegan tahay 8-bisha Maarso 2019-ka oo uu u geeriyooday.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Maxamed Abukar Zubeyr ayaa bartiisa Facebookiisa ku xaqiijiyay,inkastoo uusan shaacin sababta rasmiga ah uu u geeriyooday marka laga soot ago Cisbtaal Dubai ku yaalo oo maalmihii u dambeeyay ku jiray.

Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka waraabiyo. Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey haka siiyo. Aamiin.

You might also like More from author

Leave A Reply