XOG+FIIRSO: Itoobiya oo runta ka sheegtay qodobadii looga hadlay shirkii Nairobi,beenisayna warka Villa Somalia

0

Talefishinka Itoobiya EBC ayaa baahiyay in Kenya iyo Soomaaliya ay isku afgartay in xal kama dambeys laga gaaro muranka badda,taasi oo sababtay in xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal xumaado.

Wararka laga baahiyay Tv-ga Qaranka Itoobiya ayaa lagu sheegay in marka hore  muhiim ay tahay in labada dal ay xal ka gaaraan muranka badda oo mudo soo jiidamayay si ay u fududaato in la dhammeeyo khilaafka iyo xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeyso.

Kulan maanta magaalada Nairobi ku dhexmaray Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu sheegay in xal laga gaaray xiisada diblomaasiyadeed ee labada dal,balse laguma soo hadal qaadin arrinta xiisada dhalisay ee muranka badda,laakiin muhiimadu waxay ahayd in la xoojiyo xiriirka labada oo bilihii ugu dambeeyay sii xumaanayay.

You might also like More from author

Leave A Reply