DEG DEG: Ruusha & Qadar oo ka hadlay Xaalada amni ee Somalia & wararkii ugu dambeeyay safarka MW Farmaajo ee Itoobiya+(VEDIO)

0

Amiirka dalka Qadar ayaa magalaada Doha ee caasimadda dalkaasi soo dhoweeyay Wasiirka arrimah dibada Ruushka Sergey Lavrov.

War ka soo baxay Dowladda Qadar ayaa lagu sheegay in Amiirka dalkaasi iyo Wasiirka arrimaha dibada Ruushka ay ka wada arinsadeen xaaladaha ammaan ee dalalka Soomaaliya,Suuriya iyo gacanka Beershiya.

Sidoo kale,labada mas’uul ayaa si aad ah uga wada xaajooda horumarada ka jira gobolka iyo waliba sida ugu haboon ee lagu kordhin karo taageerada la siiyo dalal Soomaaliya ay ka mid ah tahay.

Dowladda Qadar ayaa ka mid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee Dowladda Soomaaliya,waxayna hadda xiriir dhow la leedahay Madaxtooyada Soomaaliya oo wakiil uga ah Taliye ku-xigeenka Hay’adda NISA Fahad Yaasiin iyo taageerayaal kale.

Isku soo dhowaanshaha dalalka Soomaaliya iyo Qadar ayaa ka dambeysay ka dib markii Xukuumadda madaxweyne Farmaajo ay go’aan dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay Khilaafkii Khaliijka,taasoo keentay in Imaaraadka Carabta uu ka caroodo go’aankaasi,islamarkaana xumaado xiriirkii kala dhaxeeyay Soomaaliya.

Xukuumadda Doha ayaa hadda mashaariic horumarineed oo dhowr ah ka fulineysa Soomaaliya,waxaana ku baxaya malaayiin lacag ah.

You might also like More from author

Leave A Reply