DEG DEG+FIIRSO: Raggii Kufsaday Caaisho oo gacanta lagu dhigay & Qiso Cajiib ah oo la ogaaday

0

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in la qabtay raggii falkii foosha xumaa ee wuxuushnimada ah kula kacay Caaisho Ilyaas Adan oo ahayd gabar 12-sano jir ah oo ardayad ahayd.

Sida,xogta lagu helay afar qof ayaa ka dambeysy Kufsigii iyo dilkii loo geystay Alle ha u naxariistee Caaisho,waxaana raga loo qabtay lagu sheegay iney ahaayeen dad deriska ah oo qaarkood qaraabo dhow oo dhanka Hooyada ay ahaayeen.

Caa’isho ayaa la sheegay inaysan wax kalsooni daro ah ka qabin Wiilashaas waxayna ugu yeerteen guriga ay daganayeen oo u dhawaa Xaafadooda, Waxaa la sheegay in Raggaas Caa’isho ay mararka qaar caawin jirtay oo ay u soo hagaajin jirtay Guriga lagu kufsaday ee lagu dilay.

Kufsi kadib ayay si Foolxun u dileen iyagoo ka baqaya inay sheegto haday Nolol kusii daayaan.

Qabri ay Habeenimo qodeen ayey u sii diyaariyeen si ay ugu xabaalaan balse uma suura galin inay ku soo aasaan taas oo ku kaliftay inay banaanka Gurigii ay ka dhalatay soo dhigaan.

You might also like More from author

Leave A Reply