XOG XASAASI AH: Wasiiro la saftay Kheyre,baraha Bulshadana ka Aflagaadeynaya MW Farmaajo & Khilaafka oo sii xoogeystay

0

Waxaa sii kordhaya hadal heynta Baraha Bulshada ee Khilaafka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,kaasi oo maalmihii u dambeeyay la hadal hayay.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa loo arkaa iney la safatay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,waxayna barteeda gaarka ah ee Facebook ku leedahay ku soo daabaceysay maalmihii u dambeeyay hadalo sarbeeb ah oo ay ku tureyso shaqsiyaadka dacaayadaha ka dhanka ah Ra’iisal wasaare Kheyre ka wada Baraha Bulshada.

Sidoo kale,Wasiir Khadiijo ayaa waxay habeenadaan baraha Bulshada ka waday dagaal ka dhan ah madaxweyne Farmaajo,iyadoo u jawaabeysa kooxda Baraha Bulshada ka dhaleeceyneysa Ra’iisal wasaare Kheyre,kuwaasi oo lagu tuhmayo madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Xukuumadda Khadiija Diiriye ayaa ka mida Wasiirada aadka ugu dhaw RW Kheyre iyada oo inta badan soo daabacda howlaha uu qabto Ra’iisal wasaare kuna faanisa barteeda Facebooka.

Marwo Khadiijo ayaa labadii maalin ee u danbeeysay waxa ay barteeda Bulshada soo dhigtay qoraalo isdaba joog ah oo ay ku dhaga hadlayso kooxaha taageera madaxweyne Farmaajo.

Waxaa muuqanaeysa sida dadka qaar ee siyaasadda taxliiliya ay sheegayaan inuu bilowday olole la doonayo in lagu bahdilo Ra’iisal wasaare Kheyre,islamarkaana la isaga horkeeno Farmaajo iyo Kheyre,kuwaasi oo ay horboodayaan shaqsiyaad ku dhow madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa mudada labadii sano ee ugu dambeysay si nabad galyo ah ku dhammeystay,waxaana jirta in madaxweyne Farmaajo inuu awood buuxda uu siiyo Ra’iisal wasaarihiisa Kheyre.

You might also like More from author

Leave A Reply