XOG CULUS: Itoobiya oo Hub culus gacanta ku dhigtay & Xog laga helay sababta P/land deegaanadeeda ugu diiday Xisbiyada Siyasaada

0

Booliska Addis Ababa oo ay la shaqeynayaan Hay’adaha Sirdoonka Qaranka iyo Amniga Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay hub isujira qoryo iyo rasaas lagu soo qariyay Gaari nuuciisu uu yahay Hyundai ah – Atos.

Booliska ayaa sheegay in ay xireen hal qof oo lagu tuhunsan yahay inuu hubka sharci-darrada ah soo galiyay magaalada Addis Ababa,sidoo kale Ciidamada ammaanka Itoobiya ayaa qabtay $ 47,000 oo ah lacag caddaan ah oo la socday qoryaha iyo rasaasta gacanta lagu dhigay.

Howlgaladii ugu danbeeyay ay Ciidamada Booliska Itoobiya ka sameeyeen magaalada Caasimadda ah ee Adis-ababa ayaa waxay sidoo kale ku qabteen 46,404 o ah noocyo kala duwan ee rasaasta Bistooladaha ah oo Adis-ababa si sharcidaro ah looga soo geliyay Gobolka Amxaara ee dalka Itoobiya.

Warbixin ay soo saareen Booliska Itoobiya ayaa muujinaya inta badan hubka sharcdirada Itoobiya ka soo galaan,dalalka Suudaan,Soomaaliya,Koonfurta Suudaan,Somaliland iyo Xuduudaha Kenya.

You might also like More from author

Leave A Reply